Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooganaa oo caawa maqribkii ka dhacay mid kamida xaafadaha ugu caansan magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday kolonyo
gaadiid ah oo gelbinayay Taliyaha Booliska ugu magacaaban maamulka Gobolka
Banaadir ee dowladda Farmaajo.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhacay inta udhaxaysa Isgoyska
Cali Kamiin iyo xaafadda Labadhagax uu dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac
ah.
Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Saadaq Joon oo ah taliyaha Booliska gobolka
Banaadir ayaa la xaqiijiyay in uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa balse waxaa
ku dhintay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in waxyeello soo gaartay gaari Tikinika ah oo ay
wateen ciidamadii ilaalada u ahaa sarkaalka labeegsaday, Xarakada Al Shabaab
ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga
Andalus.
Qaraxyada lagu beegsado gaadiidka ay la socdaan askarta iyo saraakiisha
dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilahaan dambe joogta ka noqday degmooyinka
gobolka Banaadir.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Oo si dirqi ah uga badbaaday Qarax Al Shabaab ay kula Beegsatay Muqdisho.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooganaa oo caawa maqribkii ka dhacay mid kamida xaafadaha ugu caansan magaalada Muqdisho.