Nin Siyaab leh uga Badbaaday Xukun Qisaas ah oo lagula Fulin lahaa Magaalada Ceelbuur!

Wednesday April 03, 2019 - 19:55:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Siyaab leh uga Badbaaday Xukun Qisaas ah oo lagula Fulin lahaa Magaalada Ceelbuur!

    Fagaare kuyaal magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya waxaa maanta isugusoo baxay boqolaal qof si ay udaawadaan xukun qisaas ah oo lagu fulin lahaa ruux gacan ku dhiigle ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya waxaa maanta isugusoo baxay boqolaal qof si ay udaawadaan xukun qisaas ah oo lagu fulin lahaa ruux gacan ku dhiigle ah.

Markii fagaaraha lasoo wada xaadiray oo loo diyaar garoobay fulinta xukunka qisaasta ah qaadigii maxkamadda islaamiga ee xukunka ridaysayna uu goobta soo xaadiray ciidamadii xukunkii fulin lahaana ay hubkooda diyaarsanayaan ayuu mar qura jawiga isbedelay.

Wariye ku sugan Ceelbuur ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in mid kamida dadkii lahaa dhiigga qofkii uu horay udilay gacan ku dhiiglaha uu codsaday diyo lana joojiyo  Ninkii laqisaasi lahaa sidaasna waxaa lagu joojiyay xukunkii dilka ahaa.


Dadkii goobta ku sugnaa ayaa arrintaan aad ula yaabay waxaana fagaaraha laga kaxeeyay ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee sida dirqiga ah uga badbaaday xukunka dilka ah.

Arrintan ayaa si aad ah looga hadal hayaa gobolka Galguduud waxaana lafilayaa in qoyska leh dhiigga ruuxa horay loo dilay ay qaataan diyo sidaasna uu ku badbaaday gacan ku dhiiglihii maanta laqiyaasi lahaa.

Diinta islaamka ayaa ah mid naxariis badan oo cadaalad ah, reerka qof laga dilo waxaa ufuran sedax khiyaar ah oo kala ah in loo qisaaso in ay diyo qaataan iyo in ay iska cafiyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items