Weeraro lagu qaaday Saldhigyada Ciidanka Kenya Ee degmada Afmadoow Jubbada Hoose.

Tuesday September 22, 2020 - 06:30:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu qaaday Saldhigyada Ciidanka Kenya Ee degmada Afmadoow Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen degmada Afmadoow oo kamid ah degmooyinka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen degmada Afmadoow oo kamid ah degmooyinka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahannada Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada gumeysiga Kenya iyo maleeshiyaadka dagaal ooge Axmed Madoobe.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ugu xooggan uu qabsaday saldhigga ay maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' ku lahaayeen gudaha magaalada, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen.


Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Afmadoow mana ahan markii ugu horreysay oo shabaabul Mujaahidiin ay weeraro rogaal celis ah ku qaadaan shisheeyaha Kenya ee Jubbada Hoose ku sugan.

Habeen hore ayay aheyd markii sidaan oo kale weeraro loogu miray saldhigyada ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee isla Jubbada Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items