Waxgaradka beesha Biyamaal
iyo mas'uuliyiin katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hadlay madashii shirka waxyaabaha lagu heshiiyay waxaa
kamid ah iyo Maleeshiyaadka beesha lagasoo saaro safka ciidamada shisheeyaha
AMISOM islamarkaana Beeshu Xarakada kusoo wareejiso hubk gaaraya 200 oo qori.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhankeeda ballan qaaday in ay dib ucelinayso wixii hanti ahaa ee Beesha Biyamaal laheyd ee dhankeeda soo maray xilligii uu dagaalku socday, Sheekh Abuu Osama oo ah waaliga Sh/Hoose ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed in aysan lasoo safan cadowga shisheeye ee diinka iyo dalka kusoo duulay.
Sawirro+Codad: Beesha Biyamaal iyo Al Shabaab Oo Heshiis Buuxa ka gaaray Colaaddii Sh/Hoose.
kadib Kulan ka dhacay deegaanka Kuunya Barroow ayay beesha Biyamaal iyo Al Shabaab heshiis buuxa uga gaareen dagaallo ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.