Ciidamo Kenyaan ah oo lagu Weeraray Deegaanka Dhamase ee gobolka Gedo.

Tuesday May 07, 2019 - 14:08:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Kenyaan ah oo lagu Weeraray Deegaanka Dhamase ee gobolka Gedo.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar ciidamada Keya saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Gedo oo ku dhow xadbeenaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar ciidamada Keya saacadihii lasoo dhaafay lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Gedo oo ku dhow xadbeenaadka.

Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo Kenyaati ah oo xaalufin ay ku jarayaan dhirta ka waday deegaanka Dhamase ee gobolka Gedo.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Kenya laga eryay deegaanka Dhamase islamarkaana lagaarsiiyay khasaara xooggan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen hub ay goobta dagaalka uga carareen ciidamada Melleteriga Kenya, deegaanka Dhamase ee gobolka Gedo wuxuu ku dhow yahay xuduud beenaadka waxaana dhowr mar ka dhacay xasuuq ay ciidamada Kenya ugeysteen dadka shacabka ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items