Baaritaanno uu sameeyay Wargeyskaani ayaa lagu sheegay
in ay sii kordheen tirada dadka Shacabka ee
ku dhimanaya duqeymaha Mareykanka uu ka wado Soomaaliya ayaa lagu yiri
warbixinta uu qoray Wageyska "Foreign Policy” .
Wareyska ayaa ka hadlay
dhacdo duqeyn ah oo ka dhacday deegaan ka tirsan Wilaayada Sh Hoose gaar
ahaan deegaan lagu magacaabo "Muuri, duqeyntaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha
Mareykanka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 qof oo shacab ahaa kuwaasi oo la socday
gaari ay duqeeyeen diyaaradaha Mareykanka .
Duqeeyntaani oo dhacday 18 bishii Maarso ee sanadkaan
ayaa waxaa dadkii shacabka ahaa ee ku
dhintay ka mid ahaa Ibraahim Xasan iyo 2 Ruux oo kale oo shacab ahaa kuwaasi oo
ku dhintay duqeyntaasi .
Ibraahim ayaa la kulmay duqeynta xili uu kasoo laabtay
kormeer uu ku tagay Beero ay leeyihiin
qoyskiisa oo ku yaalla deegaan katirsan Wilaayada Sh Hoose waxaana labada Ruux
ee la geeryootay mid ka mid ah uu ku dhintay Cisbitaal ku yaalla magaalada
Muqdisho, halkaasi oo loosoo qaaday dhaawaciisa.
Axmed Xasan oo ah nin la dhashay Ibraahim Xasan oo ku
dhintay duqeynta Mareykank ayaa u sheegay Wargeyska in Walaalkiis iyo 2 Ruux oo
ay saaxiibo la ahaa walaalkiisa ay ahaayeen dad shacab ah oo ku safrayay Sh
Hoose, sidaasina ay ku dhinteen kadib markii Mareykanka ay duqeeyeen dadkaasi.
Axmed ayaa intaasi ku daray in Walaalkiisa uu ifka kaga
tagay 7 Carruur ah, isagoona sheegay in walaalkiisa uu ahaa ganacsade lahaa dukaan
iyo kaalin Shidaal.
Warbixintaan uu qoray wargeyska "Foreign Policy” ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradaha
Mareykanka ay si ula kac ah ay u beegsadaan dadka shacabka ah ee ku sugan deegaannada ay duqeeymaha ka geystaan
ee gudaha Soomaaliya.
Waxaana wargeyska uu warbixintiisa kusoo gunaanday in
taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee loo yaqaano "Africom” mar waliba
sheegaan in ay baarayaan duqeymaha ay u geystaan dadka Shacabka balse
baaritaanadaasi ay noqdaan kuwa ay ku dafariraan duqeymaha ay u geystaan dadka
Shacabka .
Dhawaan ayay aheed markii mareykanka uu soo saaray
Warbixin uu ku sheegay tirada dadka shacabka ay ku dileen duqeymaha ay ka
geysteen Soomaaliya sanadkii 2018-kii, iyadoona hay'adaha sheegta in ay u
doodaan xuquuqda Aadanaha ay ku tilmaameen tirikoobka uu soo saaray Mareykanka
mid ka fog xaqiiqada dhabta ah islamarkaana ay ku eedeeyeen Mareykanka in uu
xasuuq ka geystay Soamaaliya .
Foreign Policy: Diyaaradaha Mareykanka Dad Shacab ah ayay ku Xasuuqeen Gobolka Sh/Hoose Ee Soomaaliya.
Warbixin uu qoray Wargeyska "Foreign Policy" ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa looga hadlay duqeymaha wuxuushnimo ee diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyaan goballo katirsan Soomaaliya kuwaasi oo ay ku beegsadaan dadka shacabka maatida ah.