Qaraxyo Khasaara dhaliyay oo ka dhacay Magaalooyinka Baydhabo iyo Bariire.

Saturday May 25, 2019 - 08:22:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara dhaliyay oo ka dhacay Magaalooyinka Baydhabo iyo Bariire.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weer Bambaano lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Buulaal Jameeco.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan 2 askari ay ku dhaawacmeen weerarka, dhinaca kale qarax ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay illaa Afar askari.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaanka Bariire ee Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa Bangaraafta loo yaqaan, ilo wareedyo ayaa sheegaya in burbur xooggan uu gaaray gaariga qaraxu beegsaday.

Related Items