Xoogagga Al Shabaab oo Weeraro Safballaaran ah ku qaadday Saldhigga ciidanka Kenya ee Qooqaani.

Monday September 21, 2020 - 06:20:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Xoogagga Al Shabaab oo Weeraro Safballaaran ah ku qaadday Saldhigga ciidanka Kenya ee Qooqaani.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada Kenya ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka qarxeen deegaan hoos yimaad degmada Afmadoow.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada wilaayada islaamiga Jubbooyinka ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada  ciidanka gummeysiga Kenya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada dagaal ooge Axmed Madoobe ku leeyihiin deegaanka Qoqaani.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac isweydaarsanayeen, waa markii 2aad oo weerar lagu qaado saldhigyada ciidamada Kenya ee Qooqaani muddo toban maalmood gudahood ah.


illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ciidamada Kenya kasoo gaaray dagaalladii cuslaa ee ka dhacay deegaankan hoos yimaad degmada Afmadoow.

Ma ahan markii ugu horraysay oo dagaallo ay ka dhacaan deegaanka Qooqaani, dhammaan degmooyinka iyo deegaanada cadawgu uga suganyahay dalka ayaa ah furimo dagaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items