Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya aya socdaal kedis ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.
Max'med Cabdullaahi Farmaajo ayaa caasimadda Itoobiya kulan kula qaatay Abiy
Axmed oo ah R/wasaaraha Xabashida Itoobiya, sawirro lagu baahiyay barta rasmiga
ah ee dowladda Itoobiya ku leedahay Twitterka ayaa muujinyay Farmaajo iyo R/wasaaraha Itoobiya
oo dhir ku beeraya Addi Ababa.
Socdaalka Farmaajo oo ahaa mid kedis ah ayaa la sheegay in uu salka ku hayay
amar uga yimid R/wasaaraha Itoobiya oo markale isku dayaya in uu ukaxeeyo
dhanka magaalada Nairobin ee dalka Kenya.
War kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed ayaa
lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada
hadleen arrimaha geeska Afrika oo ah oraah marwalba ay Itoobiyaanku ku hal
qabsadaan marka ay Farmaajo ka saxiixanayaan heshiisyo lagu boobayo kheyraadka
Soomaaliya.
Farmaajo ayaa tan iyo markii uu majaraha uqabtay hoggaanka dowladda Federaalka
wuxuu lasoo baxay dabadhilifnimo dheeri ah isagoo dhaxda ugalay Uhuru Kenyatta
iyo Abiy Axmed oo ku adeeganaya waxaana xusid mudan in dowladaha Kenya iyo
Itoobiya ay ihaanaysanayaan DF-ka.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Farmaajo Oo dhir ku beeray Magaalada Addis Ababa!
Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya aya socdaal kedis ah ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.