Wararka ka imaanaya cirifka fog ee xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay weerar askar lagu dilay.
Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday
maleeshiyaad katirsanaa maamulka Axmed Madoobe xilli ay ku sugnaayeen deegaanka
Kulbiyoow.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay ugu yaraan Sedax Maleeshiyo oo
waardiye u ahaa ciidamada Gummeysiga Kenya ee xoogga ku jooga deegaanka
Kulbiyoow.
Habeen hore ayay aheyd markii weeraro safballaaran ah ay Al Shabaab ku qaadday
saldigyada cadowga ee degmada Afmadoow iyo deegaanka Hoosingoow oo dhammaantood
katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Al Shabaab Oo Weerar Askar lagu dilay ka fulisay deegaanka Kulbiyoow.
Wararka ka imaanaya cirifka fog ee xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay weerar askar lagu dilay.