Dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka xooggan uga jira dhismayaasha Hoteel kuyaal magaalada Kismaayo ayaa si adag isaga difaacay weeraro isdaba joog ah oo uga yimid ciidamo Kenyaan ah iyo maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.
Sarkaal katirsan Al Shabaab oo lahadlay
SomaliMeMo ayaa xaqiijiyay in ragga
gudaha hoteelka ka dagaallamaya ay muddo sedax jeer ah iska difaaceen weeraro
uga yimid ciidamo huwan ah islamarkaana ay iyagu gacanta ku hayaan dhismayaasha Hoteelka.
"Mujaahidiintu waxay si buuxda ula wareegeen Hoteelka Cascaseey ee
weerarku ka socdo waxayna iska caabiyeen illaa sedax weerar oo ay soo qaadeen
ciidamada kufaarta Kenya iyo maleeshiyaadka Murtadiinta maamulka Juballand" ayuu yiri sarkaalka u hadlay
Al Shabaab.
Weerarka oo socda saacaddii Afaraad oo xiriir ah ayaa la sheegay in uu gallaaftay nolosha tobaneeyo qof, khasaaraha ugu daran ayaa la sheegay in uu gaaray saraakiil iyo siyaasiyiin ku shaahayay barxadda Hoteelka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in askar iyo saraakiil badan ay ku dhinteen
weerarkan oo ka dhacay Hoteel ay deganaayeen siyaasiyiinta mucaaradsan maamulka
Axmed Madoobe waxaana kamid ahaa kuwa deggan xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.
Ciidamada Kenya oo qaabilsanaa ilaalinta Hoteelkan ayaa ku guul darreystay in
ay ka hor tagaan weerarkan oo umuuqday mid aad uqorshaysan, goob joogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in ay
maqlayaan rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Al Shabaab Oo War Cusub kasoo saartay Weerarka Ka Socda Hoteel kuyaal magaalada Kismaayo.
Dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka xooggan uga jira dhismayaasha Hoteel kuyaal magaalada Kismaayo ayaa si adag isaga difaacay weeraro isdaba joog ah oo uga yimid ciidamo Kenyaan ah iyo maleeshiyaadka maamulka Jubbaland.