Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weeraro xooggan oo maanta barqadii lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdhgeele ee Sh/Hoose.
Wararka ka imaanaya Awdhgeele ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Al
Shabaab ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda oo
dhowaan halkaas ay geeyeen ciidamo huwan shisheeye ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidankada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si
hordhac ah loogu sheegay in weeraradan oo loo adeegsaday laba kamid ah gaadiid
walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu laayay askar iyo saraakiil farabadan.
Gaariga koowaad ayaa lagu beegsaday iridda saldhigga melleteri waxaana halkaas
ku hoobtay ciidamadii ilaalada ka ahaa saldhigga, daqiiqad kadibna gaari labaad
ayaa gudaha saldhigga lagu weeraray waxaana halkaas ka dhashay khasaara aad u xooggan.
Ilo wareedyo aan helnay ayaa sheegaya in dhammaan gaadiidkii melleteri ee
gudaha saldhigga ku jiray ay burbureen waxaana halkaas ku dhintay tobanaan
askar iyo saraakiil ah.
lasoco wixii soo kordha insha'Allaah
Tobanaan katirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dilay Weerar ka dhacay degmada Awdheegle
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay weeraro xooggan oo maanta barqadii lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Awdhgeele ee Sh/Hoose.