Ciidamo Burundeys ah oo duleedka Jowhar lagu qarxiyay iyo Weerar ka dhacay Baardheere.

Monday August 19, 2019 - 20:40:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Burundeys ah oo duleedka Jowhar lagu qarxiyay iyo Weerar ka dhacay Baardheere.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale lagu beegsaday ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay markale lagu beegsaday ciidamo katirsan shisheeyaha AMISOM.

Qarax maanta duhurkii ka dhacay hareeraha garoonka diyaaradaha macmalka magaalada Jowhar ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo katirsan dowladda Burundi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu beegsaday gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM xilli uu ku socdaalayay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jowhar.

Wararku waxay sheegayaan in waxyeella xooggan ay gaartay gaariga qaraxa lagu beegsaday waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii la socday, markii uu qaraxu dhacay ayay goobta soo gaareen ciidamo dheeraad ah kuwaas oo jiiday gaariga islamarkaana daad gureeyay dhimasho iyo dhaawac.


Dhinaca kale weerar madaafiic ah ayaa maanta gelinkii dambe lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka DF-ka ku leeyihiin magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda oo ku hoobanaysay gudaha saldhigga maleeshiyaadka Amxaara kalkaalka ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items