Dowladda Kenya ayaa si adag ugasoo horjeesatay cadaadisyada uu maamulka dabadhilifka u ah ee Jubbaland kala kulmayo waxa loogu yeero beesha caalamka.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kenya ayaa
lagu sheegay in aan la aqbali karin cadaadiska uu xafiiska Q.Midoobay ee
Soomaaliya uu ku hayo guddiga doorashooyinka maamulka isku magacaabay
Jubbaland.
Dowladda Kenya waxay ku eedaysay James Swan in uu cadaadis gaar ah saarayo
guddiga doorashooyinka maamulka Axmed Madoobe, kenya waxay sheegtay in
arrintaas ay tahay mid halis gelinaysa wax ay ugu yeertay deganaanshiyaha
'Jubbaland'.
Wasaarada arrimaha dibadda Kenya waxay si cad u sheegtay in Q.Midoobay ay dowladda
Itoobiya u xil saartay arrimaha doorashooyinka magaalada Kismaayo arrintaasna
ay tahay mid aan laqaadin karin.
Xukumadda Nairobi waxay qoraalkeeda loo diray UN-ka si cad ugu sheegtay in
iyadu ay muhiim u tahay howlgalka AMISOM sidaas daraadeed loo baahanyahay in
laga talageliyo arrimaha 'Jubbaland'.
"Xildhibaano labaatameeyo ah, saddex kamid ah xisbiyada siyaasada dalka ee ay
hogaaminayaan Sheekh Shariif,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan
Cabdishakuur ayaa taageeraya qaabka ay u socoto doorashada Jubbaland.”ayaa lagu
yiri qoraalka.
Dhawaqan kasoo yeeray dowladda Kenya oo taageero buuxda u ah Axmed Madoobe ayaa
imaanaya saacado kadib markii melleteriga Kenya uu garoonka diyaaradaha
magaalada Kismaayo ka celiyay diyaarad sidday askar iyo saraakiil katirsan
ciidamada Itoobiya.
Kenya oo sanaddii 2012-kii gobolka Jubbada hoose ku qabsatay maleeshiyaad
daacad u ah Axmed Madoobe ayaa doonaysa in ay difaacato maamulkan iyada
dabadhilifka u ah oo cadaadis siyaasadeed kala kulmaya Farmaajo iyo Abiy Axmed.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Dowladda Kenya oo difaacday Axmed Madoobe Eedayna Ujeediyay 'Beesha Caalamka'.
Dowladda Kenya ayaa si adag ugasoo horjeesatay cadaadisyada uu maamulka dabadhilifka u ah ee Jubbaland kala kulmayo waxa loogu yeero beesha caalamka.