Dowladda Ingiriiska Xarun Tababar ka furtay magaalada Baydhabo.

Thursday August 22, 2019 - 12:19:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 4
  • Share via Social Media

    Dowladda Ingiriiska Xarun Tababar ka furtay magaalada Baydhabo.

    Mas'uuliyiin ka socday dowladda gummeysiga Ingiriiska ayaa booqday magaalada Baydhabo ee dhacda Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin ka socday dowladda gummeysiga Ingiriiska ayaa booqday magaalada Baydhabo ee dhacda Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wafdiga Ingiriiska ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu furayay saldhig lagu tababari doono maleeshiyaadka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada Dowlada UK Uqaabilsan Arrimaha Afrika iyo Safiirka Dowladda Ingriiska u fadhiya Soomaaliya oo labaduba hadallo ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Ingiriisku dib usoo cusboonaysiiyay waxa ay ugu yeereen dib usoo celinta ciidanka Soomaaliya.


Saldhiggan oo bilo ka hor lafuray ayaa lagusoo kordhiyay qeybta tababarka ciidamada taas oo muujinaysa sida dowladda gummeysiga Ingiriiska ay qeyb uga tahay duullaanka shareeca ladirirka ah ee lagusoo qaaday Soomaaliya, madashii xafladdu ka dhacaysay waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ee xoogga ku heysta magaalada Baydhabo.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dalka Soomaaliya kula dagaallamaya kumanaan kun oo askar shisheeye ah waxaana kamid ah ciidamo ka socda dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka.







Related Items