Axmed Madoobe iyo Cabdi Rashiid Xidig oo loo doortay Madaxweynayaasha 'Jubbaland'.

Thursday August 22, 2019 - 12:49:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe iyo Cabdi Rashiid Xidig oo loo doortay Madaxweynayaasha 'Jubbaland'.

    Waxaa soo gaba gaboobay doorashooyin iskasoo horjeeday oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay doorashooyin iskasoo horjeeday oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Xildhibaannada taageersan maamulka Jubbaland ayaa iclaamiyay in ay madaxweynaha cusub ee maamulkaas ay udoorteen Axmed Madoobe halka xildhibaannada taageersan DF-ka ay madaxweyne u doorteen Cabdi Rashiid Xidig.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka 'Jubbaland' ayaa iclaamiyay natiijada doorashada wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu helay codod dhan 56 cod, halka Musharaxa la tartamayay oo aheyd Haweeney lagu magacaabayay Canab ay heshay 17 cod, Musharaxa 3aad ayaa isna helay hal cod kaliya.


Kumanaan ciidamo Kenyaan ah ayaa gaaf wareegaya magaalada Kismaayo iyadoona ciidamo Itoobiyaan ah ay ilaala ka hayaan guriga Cabdi Naasir Seeraar oo ay deganyihiin siyaasiyiinta madaxweynaha udoortat Cabdi Rashiid Xidig, Maamulkan dabadhilifka u ah dowladda Kenya ayaa madaxa lagelaya hardan siyaasadeed oo sababi karo in uu burburo.

jawiga magaalada ayaa ah kacsan waxaana laga cabsi qabaa in maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay Kismaayo ka eryaan Cabdi Rashiid Xidig iyo siyaasiyiinta ku fikirka ah

Related Items