Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabbagal ah oo lagu dhaawacay xildhibaan katirsan baarlamaanka dowladda Kenya kaasi oo ka dhacay deegaan katirsan dhulka NFD ee gummeysiga ku jira.
Weerar dhabbagal ah oo loo dhigay gaari uu la
socday Xildhibaan Axmed Ibraahim Cabdi Salaam ayaa ka dhacay deegaan lagu
magacaabo Masalaale oo hoos yimaad gobolka Gaarisa.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xildhibaanka laweeraray uu dhaawac soo gaaray
islamarkaana uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkan isku dayga dilka ah.
Xildhibaan Axmed Ibraahim Cabdi Salaam oo lagasoo doorto degmada Wajeer ayaa
dhaawaciisa lageeyay magaalada Gaarisa halkaas oo lagu dabiibayo, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka dowladda Kenya oo ku aaddan weerarka xildhibaanka loo geystay.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Kenya oo lagu dhaawacay duleedka Gaarisa.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabbagal ah oo lagu dhaawacay xildhibaan katirsan baarlamaanka dowladda Kenya kaasi oo ka dhacay deegaan katirsan dhulka NFD ee gummeysiga ku jira.