Askar iyo saraakiil Ku dhaawacmay Shil gaari Oo ka dhacay Kenya.

Tuesday August 27, 2019 - 12:25:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo saraakiil Ku dhaawacmay Shil gaari Oo ka dhacay Kenya.

    Ugu yaraan inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa dhimatay lix kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen gaari ay la socdeen ciidamo Police-ka iyo Mooto waday dad rakaab ah oo marayay wadada u dhexeysa deegaanada Kiyaaniyaaga iyo Riwaambiti o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa dhimatay lix kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen gaari ay la socdeen ciidamo Police-ka iyo Mooto waday dad rakaab ah oo marayay wadada u dhexeysa deegaanada Kiyaaniyaaga iyo Riwaambiti oo ka tirsan gobolka Kirinyaga ee dalka Kenya.


Labada ruux ee dhimatay ayaa la sheegay in ay ahaayeen rakaab la socday mootada halka kuwa dhaawacmayna ay ahaayeen ciidamo ka tirsan Police-ka oo la socday gaariga shilka galay.

Shilka kadib dadka deegaanka oo caraysan ayaa sameeyey dibad bax ka dhan ah Police-ka iyagoo dab qabadsiiyey gaarigii ciidanka waxayna darawalkii ciidanka ku eedeeyeen inuu si ula kac ah u laayay saaxiibadooda maadama uu si taxadar la’aan ah u kaxeynayey gaarig.


Ciidamada Police-ka ee ku dhaawacmay shilkaas ayaa la sheegay in ay qabaan dhaawacyo halis ah islamarkaana qaarkood laga deyrinayo xaaladooda sida ay sheegeen saraakiisha Police-ka.

Saraakiisha ayaa badankood ka dhaawacmay madaxa, gacmaha iyo lugaha, waxaana la dhigay isbitaalka guud ee Kerugoya, halkaas oo laba ka mid ah lagu dhabiibay balse kuwa kale ayaa la sheegay inay xaaladoodu tahay mid halis ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in shilka uu yimid ka dib markii darawalkii kaxeynayey gaariga Police-ka uu ka baxay seedkii uu ku socday, islamarkaana uu ku dhacay mootada oo waday ugu yaraan saddex ruux.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in laba ka mid ah rakaabkii la socday mootada ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, halka midka kalena uu ka jabay id ka mid ah labada lugood, islamarkaana la dhigay isla isbitaalka la geeyey ciidamada Police-ka.

Related Items