Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in qarax ka dhacay gudaha
degmadaasi uu ku dhintay Nuur Cumar oo ahaa guddoomiye ku xigeenka degmada.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda
qaraxa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Jalalaqsi ugu magacaawnaa
maamulka isku magacaabay Hirshabelle.
Degmada Jalalaqsi waxaa ku sugan boqolaal katirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta
ka ah howlgalka AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya waxayna
ciidamadaas la kulmayaan weeraro isdaba joog ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Guddoomiye Ku Xigeenkii degmada Jalalaqsi oo qarax lagu dilay.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.