Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ka amba baxay Beled weyne ee
gobolka Hiiraan waxayna dhanka dhulka ka galeen gobolka Galguduud.
Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti lagu wareejiyay
garooka diyaaradaha magaalada iyo xarun lagu qaban doono shir dib loogu
dhisamayo maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay Galmudug.
tagitaanka
ciidamada AMISOM ee galguduud wuxuu imaanayaa waqti khilaafkii u dhaxeeyay
Suufida iyo dowladda la qaboojiyay, waxaa lafilayaa in dhuusamareeb ay
gaarayaan mas'uuliyiinta ugu sarraysa dowladda Federaalka.
Ciidamada AMISOM oo la wareegay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
Ciidamada Jabuuti ee qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa gaaray magaalada dhuusamareeb ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.