Kumanaan katirsan dagaalyahannada Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa duullaan ballaaran ku qaaday magaalo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanka iyo xukuumadda dabadhilifka Afghanistan.
Wararka ka imaanaya magaalada Qunduuz ee dhacda waqooyiga wadanka ayaa sheegaya
in xarakada Taliban ay iclaamisay duullaan ballaaran oo hadafkiisu yahay in ay
ku furato magaalada.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in
ciidamadoodu ay bilaabeen howlgalka Qunduuz ayna qabsadeen xaafado iyo
saldhigyo istiraatiiji ah oo kuyaal gudaha iyo hareeraha magaalada.
Video kooban oo Taliban ay faafisay ayaa
muujinayay ciidamadooda oo magaalada Afar jiho ka weeraraya iyo askar faraban
oo dhankooda isku dhiibaya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in boqolaal askari oo katirsanaa ciidamada
xukuumadda Kaabuul ay isku dhiibeen Taliban walina waxaa socda dagaallo culus
oo labada dhinac dhaxmaraya.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa bilaabay in ay ka qeyb qaataan dagaalka
iyagoo duqeymo xagga cirka ah ku difaacaya maleeshiyaadka xukuumadda
Afghanistan ee ubabac dhigi waayay in ay iska difaacaan mujaahidiinta Taliban.
Dhinaca kale Taliban ayaa la wareegtay mid kamida degmooyinka gobolka gobolka
istiraatiijiga ah ee Takhaar.
Taliban oo qabsatay Magaalo Muhiim ah duullaan dagaaleedna Iclaamisay.
Kumanaan katirsan dagaalyahannada Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa duullaan ballaaran ku qaaday magaalo ay gacanta ku hayaan ciidamada Mareykanka iyo xukuumadda dabadhilifka Afghanistan.