Iska Hor'imaadyo xooggan ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda.
Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay saqdii dhexe gudaha degmada Afgooye iyo hareeraheeda ku dhaxmaray ciidamada Xarakada Al
Shabaab iyo maleeshiyaadka dowladda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas ay is dhaafsanayeen
labada dhinac, ilo wareedyo ayaa sheegaya in intii uu dagaalku socday waxyeello
lagaarsiiyay gaadiid ay wateen ciidamada dowladda ee Mareykanku tababaray.
Wararka ayaa intaas ku daraya in uu jiro khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaartay ciidamada laweeraray oo xilligaas kusii jeeday deegaanka Sabiid ee dhaca duleedka Afgooye.
Sidoo kale weerar xooggan ayaa ka dhacay gudaha degmada Qoryooleey oo ay ku
suganyihiin ciidamo Jinsiyo kala duwan leh, xoogaga Al Shabaab ayaa dhowr jiho
ka weeraray saldhigyo Melleteri oo kuyaal gudaha iyo hareeraha degmadaasi
Qoryooleey.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Al Shabaab Oo Weerartay Ciidamo ku socdaalayay gudaha iyo hareeraha Afgooye.
Iska Hor'imaadyo xooggan ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda.