Cabdallah Maxamed
Murs ayaa la sheegaya inuu ku dhintay
Isbitalka caafimaad Al Waaxah oo ku yaala Gobolka Al Jiizah ee dhaca koofurta
Magaalada Qaahira oo ah caasimada dalka Masar.
Baraha
Bulshada qeybahooda kala duwan ayaa mar qura isla dhex maray geerida ku timid
Cabdalla Mursi dadkuna waxa ay kukala aragti duwanayen qaabka ay ku timid
geeridiisa taas oo aad ugu ekeyd sidii uu dhawaan u dhintay Aabihii xilli uu ku
sugnaa Maxkamad ku taala Magalada Qaahira.
Dhawaan ayay
aheyd marki la shaaciyey in wiilkan uu dhowr jeer la kulmay xanuuno is daba
jooga oo ku aaddan dhanka wadnaha, Dhakhatiirta caafimaadka ayaana sheegay, in
arrinkaas ay sababtay walwalka iyo walbahaarka uu ka qaaday geerida aabihii,
wax dabiici ahna ay tahay in xanuunadan ay lasoo darsaan dadka ay la soo
gudboonatay murugada.
Axmed Maxamed Mursi oo ah wiilka labaad ee uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa xaqiijiyey geerida ku timid walaalkiis Cabdallah saacada yar kadib markii la gaarsiiyay Isbitaalka caafimadka wuxuuna shegay in marka uu xanuunsanayay Walaalkiis uu ka xaynayay gaari uuna dareemayay qabatin xoog leh iyo xanuun dhanka wadnaha ah kadibna sidaas lagu gaarsiyay Isbitalka caafimadka Al Waaxa ee kuyaala gobolka Jiizah.
Wiil uu dhalay Max'med Mursi Madaxweynihii Masar oo geeriyooday.
Wararka ka imanaayo dalka Masar ayaa sheegaya in uu geeriyooday wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi kadib xanuun dhanka wadnaha ah uu si degdeg ah ugusoo booday.