Mas'uuliyiin katirsan maamulka 'Jubbaland' oo lagu dilay degmada Beled Xaawo.

Saturday September 14, 2019 - 09:24:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin katirsan maamulka 'Jubbaland' oo lagu dilay degmada Beled Xaawo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.


Wararka ka imaaya degmada Beled Xaawo ee xuduud beenaadka dhacda ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay xalay weerar qorshaysan ku dileen mas'uuliyiin katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan lagu dilay illaa sedax mas'uul oo katirsanaa maamulka degmada.

Saraakiisha ladilay ayaa kala ahaa Xuseen Shariif oo kamid ahaa guddoomiyaasha xaafadaha degmada Baled Xaawo iyo Cabdi Keynaan oo kamid ahaa waaxda maaliyadda maamulka degmada, qofka sedaxaad ee lagu dilay weerarkii xalay waxay aheyd haweenay katirsaneed Ururka Haweenka maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo.


Al Shabaab ayaa sidaan oo kale horay weeraro khasaara lagu gaarsiiyay saraakiisha iyo askarta Jubbaland uga fulisay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items