Ciidamada Axmed Madoobe oo Kismaayo ku toogtay Oday dhaqameed Mucaarad ah.

Saturday September 14, 2019 - 10:25:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Axmed Madoobe oo Kismaayo ku toogtay Oday dhaqameed Mucaarad ah.

    Warar faah faahsan ayaa laga helayaa toogasho xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar faah faahsan ayaa laga helayaa toogasho xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Ciidamada sirdoonka maamulka Axmed Madoobe ayaa toogtay mid kamida saraakiisha sida aadka ah umucaaradsan hoggaanka maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dhaawac halis ah uu gaaray Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa madaxa golaha Badbaadada 'Jubbaland' oo ah gole mucaarad ah oo geed fadhi u ah dowladda Federaalka.

Rag hubeysan oo daacad u ah Axmed Madoobe ayaa toogashada geystay kadibna goobta ay isaga dhaqaaqeen mana jirin wax dabagal ah oo ay kala kulmeen ciidamada maamulka Jubbaland arrinkaas oo dad badan ucaddeysay in toogashadu aheyd mid lasoo qorsheeye.


Axmed Jaamac Qalyar ayay si aad ah isugu dhowaayeen Cabdi Rashiid Xidig oo bishii lasoo dhaafay sheegtay in uu yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulka Jubbaland kadib markii Axmed Madoobe dib loo doortay.

Bishii Augst ee lasoo dhaafay ayaa sidaan oo kale gudaha magaalada Kismaayo waxaa loogu dilay nabadoonno si aad ah ugasoo horjeeday siyaasadda Axmed Madoobe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items