Wararka ka
imaanaya dhulka xarameynka ayaa sheegaya in duqeyn ba'an lagu qaaday illaa laba
xarumood oo shirkadda shidaalka ARAMCO ay ku lahayd deegaanno dhaca duleeedka
magaalada caasimadda ah ee Riyaad.
Wasaaradda
arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda ammaanka ee qaabilsan
ilaalinta goobaha naftada ay ku guuleysteen in ay dambiyaan dab ka kacay laba
macmal oo ah goobo lagu sifeeyo naftada kadib markii ay duqeymo kala kulmeen
diyaarado drone ah.
Telefeshinka
ku hadla Afka dowladda Sacuudiga aya soo bandhigay muuqaal kooban oo muujinaya
ciidamada oo daminaya goobaha dabku ka kacay balse muuqaallo Video ah oo baraha
bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya gubasho daran oo gaartay xarumaha
labeegsaday.
Qaraxyo
waaweyn ayaa ka dhacayay xarumaha shidaalka sifeeya ee duqeynta kala kulmay Xuthiyiinta,
deegaanka Buqayq oo 150KM dhanka bari uga beegan magaalada Riyaad ayay ka
dhacday duqeynta hore waxaana halkaas kuyaal macmalka lagu sifeeyo shidaalka ee
adduunka ugu weyn.
Duqenynta labaad waxaa lagu beegsaday mandiqad katirsan
gobolka Darhaan oo qiyaastii 190 KM dhanka koonfur galbeed uga beegan magaalada
Riyaad waxaana kuyaal macmalka 2-aad ee shidaalka sifeeya oo caalamka ugu weyn.
Afhayeen melleteri oo u hadlay maleeshiyaadka xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay 10 diyaaradood oo nuuca drone-ka ah ay ku beegsadeen labadan xarumood isagoo hanjbaad culus jeediyay.
Diyaarado Drone ah oo lagu duqeeyay Keydadka Shidaalka dowladda Sacuudiga.
Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa markale duullaan ballaaran ku qaaday gudaha fog ee wadanka Sacuudiga halkaas oo ay ku yaallaan ceelal shidaal iyo xarumo muhiim u ah maamulka Aala Sacuud.