Xasan Cali Kheyre oo halis ku galay magaalada Marka kadib markii uu weerar lakulmay.

Saturday September 14, 2019 - 20:45:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Cali Kheyre oo halis ku galay magaalada Marka kadib markii uu weerar lakulmay.

    R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day dil oo ladoonayay in lagu khaarijiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day dil oo ladoonayay in lagu khaarijiyo.



Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar ku qaadeen goob uu ku sugnaa Xasan Cali Kheyre gudaha magaalada Marka.

dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyo xooggan ay ka dhaceen goob uu Xasan Cali Kheyre dad isaga taageersan uu kula hadli lahaa waxaana weerarkaas ka dhashay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Kheyre oo si dirqi ah ku badbaaday lagula cararay diyaarad ay leedadaha Q.Midoobay taas oo soo caga dhigatay xeebta magaalada Marka.



Waa markii ugu horraysay oo Kheyre uu halis ku galo magaalada Marka oo bilihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo culus oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo maleeshiyaadka dowladda oo kaashanaya ciidamada AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items