Dhimashada Ciidamada Burundi ee Weerarkii duleedka Balcad oo 14 askari gaartay.

Saturday September 14, 2019 - 20:53:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada Ciidamada Burundi ee Weerarkii duleedka Balcad oo 14 askari gaartay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadma ah oo ciidamada shisheeyaha Burundi ku qabsaday deegaan katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadma ah oo ciidamada shisheeyaha Burundi ku qabsaday deegaan katirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Khasaaraha ciidamada Burundi kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka degmada Balcad ayaa sare ukacay, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhimashada ciidamada Burundi ay gaartay 14 askari.

Meydadka 12 askari ayaa lagu arkay goobtii lagu dagaallamay halka meydadka 2 kale lageeyay saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Gololeey, wararka ayaa intaas ku daraya in 8 askari oo dhaawac ah diyaarad looga qaaday duleedka Balcad.

Xoogagga Al Shabaab ayaa maanta duhurkii weerar gaadma ah ku qaaday ciidamo Burundeys ah oo ku socdaalayay meel ku dhow deegaanka Gololeey wuxuuna weerarkaas dhaliyay dhimashada 14 askari Burundeys ah islamarkaana Al Shabaab ay goobta ka daabushaan hubkii ay wateen ciidamada lalaayay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items