Ciidamada Dowladda oo dagaal looga saaray degmada Qoryooleey.

Sunday September 15, 2019 - 10:58:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo dagaal looga saaray degmada Qoryooleey.

    Dagaallo khasaara dhaliyay ayaa markale dib uga qarxay mid kamida degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo khasaara dhaliyay ayaa markale dib uga qarxay mid kamida degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose ee dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay maqribkii ka qarxay gudaha degmada oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Al Shabaab dhowr jiho ka weerareen magaalada, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal culus kadib ay ciidamada Al Shabaab usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta Qoryooleey.


Maleeshiyaadkii dowladda Federaalka ayaa markii laga itaal roonaaday ufirxaday dhanka saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin agagaarka buundada degmada Qoryooleey.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Qoryooleey ay xalay ku waa bariisatay gacan ku heynta xoogaga Shabaabul Mujaahidiin, ciidamada AMISOM ee saldhigga ku leh banaanka magaalada ayaan xalay wax gurmad ah ufidin maleeshiyaadka dowladda.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay weeraray saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin degmamada Afgooye iyo deegaanka Bariire oo dhammaantood kawada tirsan Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items