Mas'uuliyiintii ugu sarraysay maamulka degmada Qoryooleey oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax miino.

Sunday September 15, 2019 - 19:26:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiintii ugu sarraysay maamulka degmada Qoryooleey oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax miino.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe deegaan katirsan gobolka Sh/hoose lagula beegsaday mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe deegaan katirsan gobolka Sh/hoose lagula beegsaday mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka.

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Marka ayaa sheegaya in qarax miino lala helay gaari ay la socdeen mas'uuliyiinta maamulka degmada Qoryooley wuxuuna qaraxaas sababay in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdaan mas'uuliyiintaas labeegsaday.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa waxaa kamid ah madaxii maaliyadda degmada,taliyihii ciidanka iyo guddoomiye ku xigeenkii degmada Qoryooleey waxaana la sheegay in dhaawacyadoodu ay aad uliitaan.


Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in 4 kamid ah saraakiisha maamulka degmada Qoryooleey ay ku dhinteen qaraxa oo dhacay xilli mas'uuliyiintaas ay kasoo laabanayeen magaalada Marka oo ay uga qeyb galeen soo dhoweyntii Kheyre shalay halkaas loogu sameeyay.

Shalay maqribkii ayay aheyd markii Al Shabaab ay weerar dhowr ah ku qaadeen xarumo maamul oo ku yaal degmada Qoryooleey iyagoona muddo saacada ah maamulayay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items