Waxaa si rasmi ah loogu dareeray doorashooyinka madaxtinimada wadanka Tuunis ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.
Kumanaan kun oo qof ayaa codadkooda dhiibanaya si ay usoo doortaan madaxweynaha
afarta sano ee soo socota wadankaas maamuli doono.
Hay'adda doorashooyinka xukuumadda Tuunis ayaa sheegtay in codbixintu ay si
gaabis ah uga socoto dhammaan gobollada wadanka balse doorashadani tahay middii
ugu liidatay ee Tuunis soo marta.
Tartanka madaxtinimada waxaa ka qeyb gelaya siyaasiyiin dhowr ah oo mid walba
uu doonayo in uu noqdo madaxweynaha wadanka waxaana dadka ugu cad cad ka mid ah
Munasif Almarzuuqi oo horay madaxweyne KMG ah wadankaas ugasoo noqday.
Shacabka dalka Tuunis ayaa intooda badan iska diiday in ay doorashada ka qeyb
galaan arrinkaas oo ay ka caroodeen kuwa qaban qaabinaya doorashada, wax ka yar
27% ayaa ka qeyb gelaya doorashadan taas oo ka dhigan in tani ay tahay
doorashadii ugu aqbalaadda yareed dhanka bulshada.
26 musharax ayaa xilka madaxweynaha Tuunis u ordaya waxaana ugu cad cad Munasif
Al Marzuuqi iyo Yuusuf Al Shabaab oo ah R/wasaaraha xilka haya, waa doorashadii
2aad ee dalka Tuunis ka dhacda tan iyo markii uu dhacay Kacdoonkii lagu riday
Bin Cali.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Shacabka Tuunis oo ku jees jeesay Doorashada Madaxtinimada ee bilaabatay.
Waxaa si rasmi ah loogu dareeray doorashooyinka madaxtinimada wadanka Tuunis ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.