Sarkaal katirsanaa ilaalada Madaxtooyada oo lagu dilay degmada Yaaqshiid.

Sunday September 15, 2019 - 20:26:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsanaa ilaalada Madaxtooyada oo lagu dilay degmada Yaaqshiid.

    Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay degmooyin katirsan gobolka Banaadir waxaana dilalkaas lagu beegsaday askar iyo saraakiil katirsan dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay degmooyin katirsan gobolka Banaadir waxaana dilalkaas lagu beegsaday askar iyo saraakiil katirsan dowladda.

Xoogag hubeysan ayaa maanta duhurkii gudaha suuqa Bakaaraha ku dilay mid kamida ciidamada Canshuur aruurinta dowladda Federaalka, goob joogayaal ayaa sheegay in kooxihii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale sarkaal katirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada Villa Somalia ayaa galabta lagu toogtay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay dileen laba xidigle Cabdi Deeq oo katirsanaa saraakiisha madaxtooyada, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay dilalkan saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items