Dhageyso: Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ka raafay deegaanka Gololeey.

Monday September 16, 2019 - 09:13:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ka raafay deegaanka Gololeey.

    Ciidamada Burundi ayaa howlgal raaf ah oo dad badan lagu raafay ka fuliyay deegaanno hoos yimaad degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Burundi ayaa howlgal raaf ah oo dad badan lagu raafay ka fuliyay deegaanno hoos yimaad degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Dadka laqafaalay oo gaaraya illaa 600 oo qof waxaa kamid ah dad waayeella ah,dumar iyo culimaa'udiin kuwaas oo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo, Maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Hirshabelle iyo ciidamada AMISOM ayaa isku hareereeyay  tuulada Gololeey iyo deegaanno kale.

Qaar kamid ah ehellada dadka laraafay ayaa sheegay in ciidamada Burundi ay si xun ula dhaqmeen shacabka, qaar kamid ah dadka laxiray oo isugu jiray beeraleey,xoolaleey iyo Macallimiin dugsi ayaa loo qaaday dhanka degmada Balcad halka dadka qaar lageeyay saldhigga ciidanka AMISOM ee duleedka Gololeey.


Halkan ka degso Wareysiyo lala yeeshay dadka deegaanka Gololeey Daa'uud MP3 ama hoos ka dhageyso


Related Items