Dowladda Burundi oo qiratay in 12 Askari looga dilay Weerarkii Al Shabaab ee duleedka Balcad.

Monday September 16, 2019 - 19:32:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Burundi oo qiratay in 12 Askari looga dilay Weerarkii Al Shabaab ee duleedka Balcad.

    Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in darsan katirsan ciidamadeeda lagu dilay weerar dhabbagal ah oo xoogaga Al Shabaab ay horraantii isbuucaan ka fuliyeen meel dhan waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore Meydadka ciidamo Burundeys ah oo ceelasha lagusoo bandhigay
Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in darsan katirsan ciidamadeeda lagu dilay weerar dhabbagal ah oo xoogaga Al Shabaab ay horraantii isbuucaan ka fuliyeen meel dhan waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Mas'uul sare oo katirsan dowladda Burundi ayaa isagoo ku sugan magaalada Bujambura u sheegay wakaaladda wararka AFP in ugu yaraan 12 askari looga dilay weerar maalintii Sabtida ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.

Mas'uulkan katirsan dowladda Burundi oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa carabaabay in Al Shabaab ay weerarka uga dhaawacday 6 askari oo kamid ah ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.


"Haa kaasi waa run nasiibdarro 12 kamid ah Ciidamadeena ayaa la dilay lix kalana waa la dhaawacay sabtidii shalay aheyd oo xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay kolonyo katirsan Ciidamadeena oo kusii jeeday magaalada jowhar kana ambabaxay Muqdisho” sidaas waxaa yiri mas'uul Burundeys ah oo diiday in magaciisa la xigto.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Al Shabaab oo goor sii horraysay maalintii Sabtida lahadlay Idaacadda Andalus ayaa sheegay in 14 askari Burundeys ah ay ku dileen weerarka ka dhacay duleedka Balcad  ayna qaniimeysteen saanado hub ah oo ay wateen ciidamada lalaayay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items