Video+Warbixin: Muxuu Trump udiiday in Mareykanku dagaal lagalo Iiraan si loo difaaco Shidaalka Sacuudiga?

Tuesday September 17, 2019 - 20:01:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video+Warbixin: Muxuu Trump udiiday in Mareykanku dagaal lagalo Iiraan si loo difaaco Shidaalka Sacuudiga?

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u sheegay in dowladdiisu aysan difaaci karin nidaamka Aala Sacuud islamarkaana aanu diyaar u aheyn dagaal uu lagalo Iiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u sheegay in dowladdiisu aysan difaaci karin nidaamka Aala Sacuud islamarkaana aanu diyaar u aheyn dagaal uu lagalo Iiraan.


Trump ayaa hadalkan jeediyay iyadoo lafilayay in Mareykanku uu weerar xagga cirka ah ku qaado dowladda Shiicada Iiraan oo lagu eedeeyay in ay mas'uul ka aheyd duqeyntii sabtigii loo geystay Keydadka shidaalka ugu waaweyn dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda Sacuudiga in ay bixiso lacago dheeri si ay u hesho difaaca Mareykanka wuxuuna markale ku celiyay dalabkiisi lacagta ee loogu yeero "Lisidda neefka Lo'da" oo ah halku dhig ay mucaaradka sacuudiga ku sifeeyaan lacagaha baadda ah ee Trump uu ka qaato Max'med Bin Salmaan


Halkan ka degso Warbixinta ama hoos ka Daawo


Related Items