3 katirsan ciidamada Dowladda oo si yaab leh loogu dilay deegaanka Sabiid ee duleedk Afgooye.

Wednesday September 18, 2019 - 20:32:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 katirsan ciidamada Dowladda oo si yaab leh loogu dilay deegaanka Sabiid ee duleedk Afgooye.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay deegaan kaabiga ku haya degmada Afgooye ee isla gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay uu ka dhacay deegaan kaabiga ku haya degmada Afgooye ee isla gobolkaas.


Xoogag hubaysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa deegaanka Sabiid ku dilay sedax askari oo katirsanaa ciidamada dowladda ee Mareykanku tababaray gaar ahaan kuwa loo yaqaan Bangaraaf.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga Al Shabaab ay askarta ku toogteen goob jidgooyo utiillay ciidamada waxayna horay ugasii qaateen illaa sedax qori nuuca AK4-ka loo yaqaan.

"Mujaahidiinta ayaa sedax askari oo katirsan cadowga ku dilay deegaanka Sabiid ee wilaayada Shabeellaha hoose waxayna ka qaniimeysteen hubkii ay wateen" sidaas waxaa baahisay idaacadda Andalus.


Dad ku sugan deegaanka Sabiid ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al Shabaab oo dhiiranaan saa'id ah ka muuqato ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, majirin wax dabagal ah oo ciidamada dowladda ay ku sameeyeen xoogagii dilka geystay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items