40 Madfac oo lala helay Saldhigyada ciidamada huwanta ee deegaanka Bariire.

Thursday September 19, 2019 - 17:05:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    40 Madfac oo lala helay Saldhigyada ciidamada huwanta ee deegaanka Bariire.

    Sida ay wararku sheegayaan duqeyno xooggan ayaa maanta lagu qaaday saldhigyo melleteri oo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad degmada Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay wararku sheegayaan duqeyno xooggan ayaa maanta lagu qaaday saldhigyo melleteri oo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad degmada Afgooye.


Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee Sh/Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay Weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhigyo ku yaal hareeraha deegaanka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 madfac lala helay saldhigga.

Goob joogayaal ayaa sheegay in madaafiicda qaarkood ay burburiyeen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray.

Qiic iyo Uura Madoow ayaa cirka isku shareeray hawada deegaanka Bariire waxaana gubtay teendhooyin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya uga dhax dhisnaa saldhigga labeegsaday.


Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in 7 askari ay ku dhinteen weerarkan madaafiicda ah ee lagu qaaday saldhigga deegaanka Bariire.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items