Wasiir ay isku dhowaayeen Xasan Cali Kheyre oo iscasilay diniina kasoo saaray xaaladda 'Galmudug'.

Saturday September 21, 2019 - 09:56:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ay isku dhowaayeen Xasan Cali Kheyre oo iscasilay diniina kasoo saaray xaaladda 'Galmudug'.

    Mid kamida wasiirradii sida aadka ah ugu dhowaa Xasan Cali Kheyre ayaa si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu hayay isagoo mucaaraday siyaasadda ay ku shaqeyso dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida wasiirradii sida aadka ah ugu dhowaa Xasan Cali Kheyre ayaa si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu hayay isagoo mucaaraday siyaasadda ay ku shaqeyso dowladda Federaalka.

C/kariin dhalac oo ahaa Wasiir Ku xigeenka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu yahay wuxuuna sabab uga dhigay faragelinta ay xukuumadda Kheyre ku hayso maamulka isku magacaabay 'Galmudug'.

Dhalac oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dowladda Farmaajo ay lugta ku walaaqayso khilaafka siyaasadeed ee ka jirta deegaannada Galmudug wuxuuna ka digay in uu burburo maamulka Galmudug.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdi Xakiim Fiqi oo kamid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugasoo horjeeda nidaamka Farmaajo iyo Kheyre ayaa iscasilaadda Dhalac ku macneeyay guul darro weyn oo soo gaartay xukuumadda wuxuuna saadaaliyay in wasiirro kale ay iscasili doonaan.


"Waxaan boggaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu ku dhawaaqay Wasiir Xil. C/kariin Khaliif Dhalac ee uu isaga casilay xilkii Wasiir Kuxigeen ee uu ka hayey xukuumadda Federaalka, waa go’aan taariikhda u galaya oo sababihiisa maangalka ah wata”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli khamiistii lasoo dhaafay uu magaalada Dhuusamareeb gaaray Siyaasiyi ay dowladda Federaalka doonayso in uu noqdo hoggaamiyaha maamulka 'Galmudug'.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items