Weerar xoog ku gal ah oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada dowladda ee Sh/Hoose.

Sunday September 22, 2019 - 07:12:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar xoog ku gal ah oo lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada dowladda ee Sh/Hoose.

    War goordhow nagasoo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo deegaan kaabiga ku haya magaalada Marka ee xarunta gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow nagasoo gaaray gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo deegaan kaabiga ku haya magaalada Marka ee xarunta gobolka.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar xoog ku gal ah ku qaadeen saldhig melleteri oo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ka sameysteen deegaanka Ceel Siliini.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta saldhigga iyo dhammaan saanadihii hubka ahaa ee yiillay.

Saldhigga saaka ay weerareen ciidamada Al Shabaab waxaa ku sugnaa maleeshiyaad boqolaal ah oo lagu tababaray saldhigga melleteriga Turkiga ee magaalada Muqdisho.

la soco wixii soo kordha insha'Allaah

Related Items