Daawo Video: Shariif Sheekh Axmed oo digniin udiray Farmaajo iyo Kheyre.

Monday September 23, 2019 - 07:30:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Shariif Sheekh Axmed oo digniin udiray Farmaajo iyo Kheyre.

    Ismariwaa dhanka siyaasadda ah ayaa dhax taagan dowladda Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismariwaa dhanka siyaasadda ah ayaa dhax taagan dowladda Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Amar shalay kasoo baxay wasaaradda ammaanka oo Shariif Sheekh Axmed loogu diiday in uu uduulo dhanka magaalada Kismaayo ayaa buuq siyaasadeed abuuray, kulan degdeg ah oo ay yeesheen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayay ku dhaleeceeyeen habka dhaqanka dowladda Farmaajo.

Labadan nin oo horay usoo hoggaamiyay dowladda Federaalka ayaa digniin culus udiray Kheyre iyo Farmaajo, diyaarad soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo Kismaayo uqaadi lahayed Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiin kale si ay uga qeyb galaan xafladda Caleemasaarka Axmed Madoobe ayaa xayiraad lagusoo rogay.


Shariif oo shir Jaraa'id Muqdisho ku qabtay ayaa danaystayaal gardarro wada ku sifeeyay Farmaajo iyo Kheyre, "Farmaajo isagoo suud iyo boorso wata anaa magacaabay dalkaan wax ka galay ma jiro isagaa ka faa’ideysta, Xasan Cali Kheyre waa la mid annaga waxbaa naga galay inuu burburana kama yeeleyno dariiqaa ku socoto waa qaldantahay waxaan leennahay meeshaa joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isku timaaddo”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo maanta booqday guriga Shariif uu Muqdisho ka deganyahay ayaa si aad ah u mucaaraday sida ay wax umaamulayaan Farmaajo iyo kheyre waxaana muuqata in Villa Somalia ay wajahayso cadaadis dhan walba ah.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa'id ee Shariif Sheekh Axmed


Related Items