WHO oo lagu eedeeyay in ay ka gaabisay ka hortagga Cudurka Ebola ee Wadanka Koongo.

Monday September 23, 2019 - 07:29:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WHO oo lagu eedeeyay in ay ka gaabisay ka hortagga Cudurka Ebola ee Wadanka Koongo.

    Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa ku eedaysay barnaamijka caafimaadka Q.Midoobay ee WHO in uu xagal daacin ku hayo qorshayaasha looga hortagayo in cudurka dilaaga Ebola uu kusii faafo wadanka Koongada Dimuquraadiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ayaa ku eedaysay barnaamijka caafimaadka Q.Midoobay ee WHO in uu xagal daacin ku hayo qorshayaasha looga hortagayo in cudurka dilaaga Ebola uu kusii faafo wadanka Koongada Dimuquraadiga.


Bayaan kasoo baxay MSF ayaa lagu sheegay in talaalka looga hortago cudurka Ebola aan sidii larabay loogu faafin gudaha wadanka Koongo islamarkaana ay jiraan shaqaalaha qaar oo aan ogolayn in ay bulsha siiyaan tallaalka lagula dagaallamo cudurka Ebola.

MSF ayaa ugu baaqday WHO in ay dhisto guddi isku xir caalami ah oo ka shaqeeya sidii loo sameyn lahaa maamul isku xira adeegyada caafimaad ee wadanka Koongo si talaalka looga hortago Ebola loo gaarsiiyo dhammaan gobollada wadanka.


Warbixinta kasoo baxday hay'adda aan xuduudda laheyn ayaa lagu muujiyay sida ay WHO uga gaabisay bixinta talaalka Ebola, dad aan ka badnayn 220,000 oo ruux ayaa qaatay talaalka Ebola.

Cudurkan dilaaga ah ayaa kumanaan kun oo qof ku dilay wadamada dhaca galbeedka qaaradda Afrika walina Virus-kiis ayaa kusoo faafaya wadamada qaaradda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items