7 qof Kenyaan ah oo ku dhintay guri kusoo dumay magaalada Nairobi.

Monday September 23, 2019 - 20:26:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 qof Kenyaan ah oo ku dhintay guri kusoo dumay magaalada Nairobi.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay guri kusoo dumay magaalada ugu weyn wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay guri kusoo dumay magaalada ugu weyn wadanka Kenya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.


Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof ay dhinteen 55 kalane dhaawacmeen kadib markii uu dumay mid kamida iskuullada ugu waaweyn magaaladaasi.

Afhayeenka dowladda Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in meydadka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay loola cararay isbitaallada, wuxuu sheegay in saraakiil boolis ah ay baaritaan ku hayaan iskuulka Precious Talent oo si lama filaan ah udumay.


Telefeshinnada maxalliga ah ayaa soo bandhigay muuqaal muujinayay Meydad iyo dhaawacyo lagasoo daad guraynayo burburka hoostiisa, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay dayacaadda ay ku dhaqaaqayso xukuumadda Uhuru Kenyatta oo dhaqaalihii dalka gelinaysa dhanka ammaanka iskana hilmaamtay wax ka qabashada adeegyada bulsahada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items