Dowladaha Faransiiska,Jarmalka iyo UK oo Eedeyn ujeediyay Iiraan.

Tuesday September 24, 2019 - 11:00:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha Faransiiska,Jarmalka iyo UK oo Eedeyn ujeediyay Iiraan.

    Cadaadiska dhanka siyaasadda ah oo ay dowladda Iiraan kala kulmayso dowladaha reergalbeedka ayaa sii xoogeystay kaasi oo ku aaddan weeraradii dhowaan lagu qaaday Keydadka shidaalka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadaadiska dhanka siyaasadda ah oo ay dowladda Iiraan kala kulmayso dowladaha reergalbeedka ayaa sii xoogeystay kaasi oo ku aaddan weeraradii dhowaan lagu qaaday Keydadka shidaalka Sacuudiga.


Sedax kamid ah dowladaha ugu tunka weyn qaaradda Yurub ayaa si cad Iiran ugu eedeeyay in ay mas'uul ka aheyd weeraradii lagu waxyeelleeyay waxsoo saarka shidaalka Sacuudiga.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen madaxda dowaladaha Faransiiska,Ingiriiska iyo Jarmalka ayay xukuumadda Tahran dusha usaareen mas'uuliyadda duqeymihii Keydadka Shidaalka Sacuudiga waxayna ugu baaqeen Iiraan in ay udiyaar garoowdo wadahadal lagu xalliyo xiisadaha ka dhaxeeya dowaladaha mandiqadda Bariga dhexe iyo Mareykanka.


Sedaxda dowladood ee Iiraan ku eedeeyay weeraradii Sacuudiga ayaa kamid ahaa dowladihii sanaddii 2015 saxiixay heshiiskii barnaamijka Niyugleerka Iiraan waana eedayntii ugu kululeed ee dowladda Shiicada ku mutaysatay weeraradii bartamihii bishaan ka dhacay wadanka Sacuudiga kuwaas oo wiiqay wax soo saarka dhanka shidaalka nidaamka Aala Sacuud.

si aad ugu darsato Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama @somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items