Meydad hor leh oo laga helay deegaanka Ceel Saliini iyo weerar ka dhacay Qoryooleey.

Tuesday September 24, 2019 - 11:11:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydad hor leh oo laga helay deegaanka Ceel Saliini iyo weerar ka dhacay Qoryooleey.

    Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay gobolka Shabeellaha hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydka askari katirsan ciidamadii lagu dilay Ceel Saliini
Dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay gobolka Shabeellaha hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in xalay fiidkii dagaal culus uu halkaas ku dhaxmaray xoogaga Shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidanka AMISOM oo kuyaal agagaarka buundada weyn ee Qoryooleey.

Dhinaca kale waxaa sii kordhaya khasaarihii ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee duleedka magaalada Marka.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah oo gaaray deegaanka lagu dagaallamay ay hareeraha Ceel Saliini kasoo heleen Meydadka illaa 12 askari arrinkaas oo wadarta guud ee dhimashada ciidamada ka dhigaysa 35.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shalay gelinkii dambe aas jamaaci ah Meydadka lasoo helay loogu sameeyay isla deegaanka Ceel Saliini halkaas oo Al Shabaab ay ka geysatay gummaad ka dhan ah ciidamada dowladda ee shisheeyuhu tababaray.

si aad ugu darsato Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama @somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items