Booliska Masar oo toogasho ku dilay 6 ruux oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Ururka Ikhwaanka.

Tuesday September 24, 2019 - 20:31:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Masar oo toogasho ku dilay 6 ruux oo lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Ururka Ikhwaanka.

    Dibad baxyo ballaaran ayaa wali ka socda magaalooyinka waaweyn ee wadanka masar kuwaas oo loogasoo horjeedo nidaamka dabadhilifka ah ee uu madaxda ka yahay Cabdi Fataax Alsiisi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo ballaaran ayaa wali ka socda magaalooyinka waaweyn ee wadanka masar kuwaas oo loogasoo horjeedo nidaamka dabadhilifka ah ee uu madaxda ka yahay Cabdi Fataax Alsiisi.



Wararka ka imaanaya Masar ayaa sheegaya in kumanaan kun qof ay iskusoo baxyo ka dhigayaan degmooyin iyo deegaanno dhowr ah, baraha internetka ayaa lagu faafiyay muuqaallo muujiyay dad badan oo iskusoo baxyo ka dhigaya magaalooyin ay kamid yihiin Alqaahira iyo Aljiizah.

Ragga firfircoon ee horboodaya dibad baxyada ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka nidaamka Alsiisi ay xireen wax kabadan 500 oo qof kuwaas oo loo heysto in ay dhigayeen wax loogu yeeray rabshado ka dhan ah nidaamka dowladda.



Dhinaca kale ugu yaraan 6 qof ayay ciidamada ammaanka dowladda Alsiisi ku toogteen magaalada 6 Oktoobar,dad goob joogayaal ah waxay warbaahinta u sheegeen in ciidamo katirsan booliska sida melleteriga utababaran ay udhaceen guri ay ku sugnaayeen dadka latoogtay.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Masar ayaa lagu sheegay in ladilay 6 qof oo kamid ah hoggaamiyaasha ururka ikhwaanka,sida riwaayada maamulka alsiisi sheegayso raggan ayaa dhintay kadib markii ay rasaas is dhaafsaden ciidamada booliska.

Arrinta burinaysa beenta nidaamka Alsiisi ayaa ah iyadoo aysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamadooda soo gaaray mar haddii rasaas lays dhaafsaday, saraakiisha mucaaradka ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen rayid si caadi ah ugu noolaa magaalada 6 Oktoobar.

Dowladda Masar ayaa horay liiska waxa loogu yeero Argagaxisada ugu dartay Ururka Ikhwaanka iyadoona qaar kamid ah mas'uuliyiinta Ururkaas xukunno daldalaad ah ku fulisay.

Nidaamka alsiisi ayaa ku jira feejignaan sare oo uu kaga feejiganayo duufaanta iskusoo baxyada malyuuniga ah ee jimcaha soo socda ay ku ballameen shacabka kacdoonka wada.

Warbaahinta afka dowladad ku hadasha waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha gudaha ay uyeertay tobanaan kun oo ciidamadeeda kamid ah kuwaas oo horay fasax ugu jiray waxayna doonaysaa in ay si adag ula tacaamulaan dibad baxayaasha.

Related Items