Weerar gaari looga gubay Ciidamada Kenya oo ka dhacay duleedka Ceelwaaq.

Wednesday September 25, 2019 - 19:55:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar gaari looga gubay Ciidamada Kenya oo ka dhacay duleedka Ceelwaaq.

    Sida ay wararku sheegayaan weerar dhabbagal ah ayaa markale ciidamada melleteriga Kenya ku qabsaday xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo dhulka Soomaalida NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore gaari laga gubay ciidanka Kenya
Sida ay wararku sheegayaan weerar dhabbagal ah ayaa markale ciidamada melleteriga Kenya ku qabsaday xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo dhulka Soomaalida NFD.


Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar xooggan uu qabsaday kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay deegaan kaabiga ku haya degmada Ceelwaaq ee xuduud beenaadka ku dhow.

Wariye ku sugan gobolka Gedo ayaa soo sheegay in dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ay wadada ugaleen kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku dhaq dhaqaaqayay deegaannada xuduudda ku teedsan.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari xamuul ah oo qeyb ka ahaa kolonyada ciidamada Kenya lagu gubay weerarka kadib markii dagaalyahan katirsan Al Shabaab uu lahelay gantaal nuuca garbaha laga gemo ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items