Saciid Botafaliiqa iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Al Jazaa'ir oo xukunno lagu riday.

Wednesday September 25, 2019 - 19:59:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Botafaliiqa iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Al Jazaa'ir oo xukunno lagu riday.

    Markii ugu horraysay mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa nidaamkii madaxweynihii hore ee Al Jazaa'ir ayaa lasoo taagay maxkamad melleteri waxaana loo heystaa dambiyo kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa nidaamkii madaxweynihii hore ee Al Jazaa'ir ayaa lasoo taagay maxkamad melleteri waxaana loo heystaa dambiyo kala duwan.


Ugu yaraan 8 xubnood oo ay kamid yihiin wasiirro hore iyo saraakiil ay isku dhowaayeen Cabdi Caziiz Botafaliiqa ayaa lasoo taagay maxkamad kutaal magaalada Al Buleydah ee dhaca koonfurta wadanka Al Jaziira.

Eedaysanayaasha maxkamadda lasoo taagay ayaa ku eedaysan in ay shirqool umaleegeen dowladda islamarkaana ay geysteen musuq maasuq iyo xadgudubyo ka dhan ah muwaadiniin Al Jeeriyaan ah.

Saciid Bootafaliiqa oo ay walaala yihiin madaxweynihii hore ayaa lagu xukumay 15 sanadood oo xarig ah, sidoo kale waxaa maxkadda kasoo muuqday ganacsato aad ula shaqeynayay nidaamkii hore.


Wakaaladda wararka Al Jazaa'ir ayaa sheegtay in xukun 20 sanadood ah isna lagu riday Maxamed Maduun oo ku magac dheer Jeneraal Towfiiq kaas oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka wadankaasi.

Khaalid Nazaar oo horay usoo noqday wasiirka difaaca ayay maxkamadda Melleteriga Al Jazaa'ir ku xukuntay 20 sanadood oo xabsi ah balse wadanka kuma sugna ee waa dibad joog.

Maxkamadeyntan ayaa imaanaysa xilli bishii April ee lasoo dhaafay kacdoonno waaweyn oo wadanka ka dhacay lagu riday nidaamkii uu madaxda ka ahaa Cabdi Caziiz Botafaliiqa kaas oo Aljazaa'ir maamulayay muddo 20 sanadood ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items