Xukuumadda Alwifaaq oo eedayn kulul Ujeedisay dowladaha taageera Khaliifa Xaftar.

Thursday September 26, 2019 - 10:17:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Alwifaaq oo eedayn kulul Ujeedisay dowladaha taageera Khaliifa Xaftar.

    Xukuumadda Alwifaaq ee wadanka Liibiya ayaa si kulul u cambaaraysay taargeerada aan qarsoonayn ee qaar kamid ah dowladaha Carabta iyo kuwa reer galbeedka ay ufidinayaan maleeshiyaadka dagaal ooge khalifa Xaftar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Alwifaaq ee wadanka Liibiya ayaa si kulul u cambaaraysay taargeerada aan qarsoonayn ee qaar kamid ah dowladaha Carabta iyo kuwa reer galbeedka ay ufidinayaan maleeshiyaadka dagaal ooge khalifa Xaftar.


Faayaz Sarraaj oo ah R/wasaaraha xukuumadda Alwifaaq ayaa kalimad uu ka jeediyay shirka Q.Midoobay ee ka socda magaalada New York wuxuu weerar afka ah ku qaaday dowladaha ku lugta leh dagaalka Liibiya.

Wuxuu sheegay in taageerada uu Xaftar ka helayo dowladaha Imaaraatka Carabta, Masar iyo Faransiiska ay sababeen in uu laayo kumanaan kun shacab Liibiyaan ah islamarkaana uu halis geliyo duulimaadyada garoonka diyaaradaha magaalada Daraabulis.


"Dhibaatada ay Liibiya marayso waxaa sabab u ah dowladaha Ajanbiga ah ee taageerada siinaya Mujrim Khaliifka Xaftar" ayuu yiri madaxa xukuumadda Alwifaaq.

Faayaz Alsarraaj ayaa kalimaddiisa kusoo bandhigay sawirro lagasoo qaaday haraadiga hub ay soo saareen Faransiiska iyo Imaaraatka Carabta oo lagasoo furtay maleeshiyaadka Xaftar.

Dowladaha Imaaraatka iyo Masar ayaan qarsan taageerada ay siiyaan Xaftar oo sheegta in uu la dagaallamayo wax uu ugu yeeray Argagaxiso balse dowladda Faransiiska ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedaymaha loo jeediyo ee ku aaddan in ay qeyb ka tahay dagaalka Liibiya.

ku darso Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama@somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items