Maxkamad islaami ah oo 100 Jeydal ku xukuntay Gabar fal Zina ah ku dhacday.

Thursday September 26, 2019 - 10:23:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad islaami ah oo 100 Jeydal ku xukuntay Gabar fal Zina ah ku dhacday.

    Fagaara weyn oo kuyaal deegaanka Farsooleey ee hoos taga degmada Qoryooley shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay xukun xaddu Zina ah oo lagu fuliyay gabar fal zina ah ku dhacday iyadoo aan wax guur ah soo marin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaara weyn oo kuyaal deegaanka Farsooleey ee hoos taga degmada Qoryooley shalay gelinkii dambe waxaa ka dhacay xukun xaddu Zina ah oo lagu fuliyay gabar fal zina ah ku dhacday iyadoo aan wax guur ah soo marin.


Gabar lagu magacaabo Shamso oo 16 sana jir ah ayaa la horgeeyay maxkamadda Islaamiga wilaayada Sh/hoose xilli ay laheyd Uur 8 bilood ah balse maxkamadda ayaa amartay in Shamso maxkamadda ay  timaad marka ay umusho si waxyeello aysan ugaarin canuga caloosheeda kujiray.

Gabadha ayaa dhowr bil kadib markii ay umushay maxkamadda la horgeeyay si loogu fuliyo xadka zinada ah ee ay ku dhacday.

Qaadiga maxkamadda ayaa goob fagaare ah ka sheegay xukunka gabadhan lagu fuliyay oo ahaa 100 Jeydal maadaama aysan horay guur usoo marin, gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa ka jira maamullo islaami ah oo tadbiiqiya ku dhaqanka shareecada Islaamka.


ku darso Channelka SomaliMeMo ee Telegramka halkan Guji ama @somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items