Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusii xoogeysanaya inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
24-kii saacadood ee lasoo dhaafay qaraxyo iyo dilal qorshaysan ayaa ka dhacay xaafado katirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xaafadda Soona Kay ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa hay'adda dambi baarista (CID).
Goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay dilka geysteen kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa weeraray bar koontarool oo ciidamada DF ay ku lahaayeen xaafadda Shiirkole ee degmada Hodon.
ku darso Channelka SomaliMeMo ee Telegramka
halkan Guji ama
@somalimemo1
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Sarkaal katirsan CID-da oo lagu dilay xaafadda Soona Kay.
Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusii xoogeysanaya inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.